Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay, kana hadlay safarkooda.
Ujeedka Xildhibaanadan ka socda Galmudug oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha bulshada Baarlamaanka maamulkaas u tageen Garoowe ayaa waxaa ay thay sidii Puntland ugala hadli lahaayeen in lagu wareejiyo maxaabiis burcad-badeed ah oo sanno badan ku xiran xabsi ku yaalla halkaas.
Xildhibaanada ayaa kulan la qaatay Xildhibaano kale oo ka tirsan Puntland, iyagoona ka wada hadlay qaabkii ay Galmudug loogu wareejin lahaa Maxaabiista, isla markaana la isku famahay in dhawaan la wareejiyo Maxaabiista.
Bishii June ee sanadkaan 2020 Baarlamaanka Puntland ayaa laalay heshiis ogolaanayay in xabsiyada kala duwan ee ku yaalla deegaanada maamulka lagu haayo Maxaabiis Soomaaliyeed oo burcad-badeednimo Seychelles u heysto, waxaana heshiiskaas la laalay uu ahaa mid is-afgarad ah.
Si kastaba Maxaabiista ay Galmudug dooneyso in lagu wareejiy ayaa sanadkii 2013 lagu wareejiyay Puntland, kadib markii lagu Maxkamadeeyay Jasiiradda Seychelles, iyadoona ay xusid mudan tahay in labada maamul horey uga wada hadleen arrintaas.