Madaxda Urur Goboleedka IGAD,ayaa digniin culus ka soo saartay khilaafka u dhaxeeya Wadamada Carabta qaarkood in uu saameyn ku yeesho Wadamada Qaarada Afrika,taasina ay keento deganaansho la’aan.
Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ah Madaxa Urur Goboleedka IGAD,ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ayaa aad uga xun tahay khilaafka u dhaxeeya Wadamada Carabta islamarkaana uu rajeynayo in khilaafkaas wadahadal laga galo xal buuxana laga gaaro.
Sidoo kale khudbad dheer oo laga baahiyay telefishinka dawladda ayaa waxa uu ka sheegay in Itoobiya ay taageersan tahay dadaalka ay wadaan Wadamada Carabta qaarkood oo lagu xalinayo khilaafkaas.
Khilaafka u dhaxeeya Wadamada Khaliijka ayaa weli taagan waxaana dowladda Qatar ay diidan tahay dhowr iyo toban qodob oo ay usoo bandhigeen Wadamadii xiriirka u jaray,waxana taasi ay dhalisay in ay sii xoojiso kilaafkii labada dhinac.