Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F.S ayaa magaalada Orso ee dalka Shiinaha uga qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen madax ka socotay 120 dal oo looga hadlaayo la dagaalanka nabadguurka dunida.
Kulankaasi oo ah kii 13aad,waxaa kaloo ka qeybgalay in ka badasn 30-hey’adood ,iyadoo 2-dii sanoba mar Qaramada Midoobay ay diyaariso kulankaasi.
,Kulankaan oo socon doona  mudada u dhaxeysa 6-16-ka bishaan waxaa lagu looga doodi doonaa sida ugu haboon ee wax looga qaban karo nabadguurka ku yimaada dhulka.
Wasiiru Dawlaha Xafiiska Raisul Wasaaraha J.F oo ka hadlay kulankaasi ayaa xa qiijiyay in dhibaatooyinka ka heysta  abaaraha ku soo noqnoqday Soomalya ay qeyb ka yihiin dhoofinta dhuxudha oo uu tilmaamay in xilligaan lagu guuleystay joojinta adeegaasi.
Wasiiirku uxuu qiray in Dawladda cusub ay u heelan yihiin sidii arrimaha nabaad guirka wax looga qaban lahaaisagoo intaa raaciyay in ay socdaan olole dhir abuuris ah si ayuu yiri loo badbaadiyo nolol dhaqameedka reer miyiga.
Intii uu socday kulankaasi Wasiirku wuxuu si gaar gaar ah ula kulmay madax ka kala socday Shiinah, Kanada, Turkey, Ethiopia, Koofur Afrika, Estonia iyo kuwa kale  oo ka socday hayadaha caalamiga.