Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa marka hore soo hadal qaaday Wadooyinka Muhiimka ah ee weli xiran iyo qorshaha kaga degsan Maamulka gobolka Banaadir.
Waxa uu qiray in ay jiraan Wadooyinkaas xiran isaga oo tusaalo u soo qaatay Wadada Tarabuunka iyo kuwo kale oo muhiim ah oo ay degan yihiin Safaarado balse qorshuhu yahay sida uu sheegay in dib loo furo.
Dhan kale waxa uu Gudoomiye Thaabit ka hadlay xadeynta Gawaarida nooca xamuulka qaada ee Habeen iyo Maalin mara Wadooyinka Muqdisho, iyo cabsida Shacabka kaga timid tan iyo wixii ka dambeeyay markii 14 Bishaan Gaari Weyn uu ku qarxay Isgoyska Zoobe kaas oo dhaliyay khasaaro badan.
Waxa uu sheegay in Gawaaridaas loo sameyn doono Wadooyin gooni ah oo ay isticmaali doonaan sida uu hadalka u dhigay.
            Hoos Ka Dhageyso Gudoomiye Thaabit