Ciidanka amniga Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay maandooriyeyaal farabadan oo magaladaas laga soo geliyay dhinaca Itoobiya, kadib markii ay sameeyeen Howlgalo kala duwan.
Maandooriyaha ayaa isugu jiray qamri ah iyo waxyaabo kale, waxaana Maanta lagu gubay goob fagaaro ah oo ku taalla Baladweyne, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Duqa Magaalada, Guddoomiyaha Rayidka Gobolka Hiiraan iyo Taliyaha Booliska Gobolkaas.
Taliyaha Saldhiga Booliska Baladweyne Laba Xidigle Maxamed Maxamuud Qoorsheel oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in Ciidanka Booliska ay soo qabteen qamriga iyo ninkii watay oo halkaas lagu soo bandhigay.
Sidoo kale Taliye ku-xigeenka Booliska ayaa u mahadceliyay laamaha amniga Magaalada ,wuxuuna shacabka ku dhaqan halkaas uga baaqay in aysan ka ganacsan maandooriyaha, ayna la shaqeeyaan laamaha amniga.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamada Rayidka Gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxumed Taakoy ayaa sheegay tallaabo sharci ah laga qaado id kasta oo gudaha Magaalada Baladweyne soo gelisa Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.
Maandooriyaha ay gacanta ay kusoo dhigeen Ciidanka Booliska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa loo waday dhinaca Magaalada Muqdisho, kaasi oo markii hore laga keenay Itoobiya.