Waxaa Goordhow degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose lagu soo Gaba-gabeeyay doorashada Duqa Cusub ee degmada Afmadow oo ay ku tartameen ilaa iyo seddex musharax.
Xildhibaanada Golaha deegaanka Afmadow ayaa Maxamed Cabdullaahi Cusmaan (Maxamed Amiin) u doortay inuu noqday Duqa Cusub ee degmadaas, waxaana uu helay Codad gaaraya ilaa iyo 13 Cod.
Doorashada oo la aaday wareeg labaad ayaa waxaa wareegada koowaad ku tartamay Maxamed C/llaahi Cusmaan oo helay 13 Cod, Maxamed Cabdi Xaashi oo helay Cod gaaraya 6 Cod, halka Yuusuf Xasan Xuseen isna 2 helay Cod.
Intaas kadib ayaa waxaa wareega labaad ee Doorashada Duqa Cusub Afmadow, hayeeshee Musharxiinta Maxamed Cabdi Xaashi iyo Yuusuf Xasan Xuseen ayaa u tanaasulay Maxamed C/llaahi Cusmaan.
Natiijada Doorashada waxaa ku dhawaaqay Xamse Cabdi Barre Guddoomiyaha gudiga madaxa banana ee Xuduudaha iyo doorashada Jubbaland, wuxuuna shaaciyay in Maxamed Cabdullaahi loo dooortay Duqa Cusub ee degmada Afmadow.
Goobta lagu dooranaaye Duqa degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudiga Madaxa banana ee doorashada iyo xuduudaha Jubbaland iyo xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha gudaha maamulkaas.
Degmada Afmadow ayaa noqotay degmadii ugu horreysay ee golaha deegaanku ay doortaan guddoomiye, waxaana degmooyinka kale ka socdo dadaallo lagu dhisayo golaha deegaanka.