Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo, kuwaasi oo ka yimid Garoowe.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa Axmed Karaash kusoo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsna labada Golle ee Baarlamaanka dowladda Federaalka iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Ujeedka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu u yimid Muqdisho ayaa ah sidi uu uga qeyb geli lahaa Aaska Qaran ee loo sameeynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa la sheegay in markii Aska qaran loo sameeyo Cali Khaliif uu dib ugu laaban doono Magaalada Garoowe, wuxuuna inta uu ku sugan yahay Caasimadda dalka uu la kulmi doonaa xubno ka tirsan dowladda Federaalka.
Diiqiiqado kadib ayaa la filayaa in Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kasoo degto diyaarada sida Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif, waxaana gudaha Garoonka lagula tukan doonaa saalada Janaasada.