Maamulka iyo Tifaftirka Radio Dalsan waxay Macaamiisha Akhristayaasha ee sida joogtada ugu xiran Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Dalsan Media ka raalli-gelinayaan qoraal aan la faaf reebin oo shalay lagu daabacay Bogga Idaacadda Dalsan ee radiodalsan.com
Qoraalkaasi waxa uu ku aadanaa saluug ay Jaalliyadda Eritrea ee ku nool dalkeenna kaga cabanayeen inaan tixgelin laga siinin Maamul-gobaleedyadda.
Haddaba, Maamulka Sare iyo Tifaftirka Radio Dalsan waxay saxayaan halkii aan Nabadoonka Jaalliyadda Eritrea ka dhahnay ay sida quman tahay Guddoomiyaha Jaalliyadda Eriteria.
Sidoo kale, qoraalka waxa dhowr jeer la isticmaalay Erayga Beesha Eritrea, balse waxaa loola jeeday Jaalliyadda Eritrea
Ugu dambayntii, Maamulka iyo Tifaftirka Radio Dalsan waxay raalli-gelin kadib u mahad celinaynaa Akhriastayaasha, Mas’uuliyiinta iyo Aqoonyahannadda nala soo xiriiray si loo saxo Warkaasi sida qaldan loo daabacay, iyadoo aan aad loo faaf-reebin dulucda iyo nuxurka Qoraalkaasi.
Mahadsanidiin
©Radio Dalsan