Rag lagu tuhunsan yahay inay qarax geysan lahaayeen oo lagu qabtay Paris.

Hadal ka soo baxay Boliska Faransiiska ayaa lagu sheegay in 2 nin la xiray, kadib markii gaarigooda laga helay Haamaha Gaaska cuntada lagu karsado iyagoo ku sugan meel ku dhow Fagaaraha Kaniisadda Notre Dame ee ku taalla magaalladda Paris.

Fagaarahaasi waxaa inta badan booqda Dalxiisayaasha, iyadoo ay sannadkiiba soo booqdaan dad lagu qiyaasay 13 illion oo qof.

Milkiilaha Gaariga iyo nin la socday oo ay Boliska aqoonsadeen ayaa la xiray, waxayna Baarayaasha La-dagaalanka Argagixisadda bilaabeen Baaritaan, inkastoo aysan gaariga ka dhex helin qalabka wax lagu qarxiyo.

Faraniiska waxaa horey uga dhacay weeraro dhimashoi geystay, iyadoo bishii July ay 86 qof ku geeriyootay weerar loo adeegsaday gaari oo ka dhacay magaalladda Niis ee Koonfurta dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media