• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, May 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Sawirro:-Nin Soomaali oo lagu sameeyey qaliin culus oo dib u soo celiyey Iftiinka Ishiisa

Bilan Media by Bilan Media
June 24, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Isbitaal ku yaalla caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa ku guuleystay inay qaliin casri ah ku sameeyeen Nin Soomaali ah oo mid ka mid ah Indhihiisa dhawaac ka soo gaaray qarax bishii April ee sannadkan ka dhacay Muqdisho.

Abuukar Macallim Axmed oo 33-jir ah ayaa la sheegay in lagu soo sameeyo qaliin naadir ku ah gudaha Turkiga, oo horseeday inuu dib ugu soo noqdo inuu wax ku arko Ishii uu ka xanuunsanaa.

Qaliinkaasi waxaa iska kaashaday 4 Dhakhtar oo Takhasusi ah, kuwaasi oo sheegay inuu qaliinkaasi ahaa mid aad u adkaa.

Dr. Kubilhan Elmas oo ka mdi ahaa Dhakhaatiirtii fulisay qaliinkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka  Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa sheegay inuu Dhibanaha ka dhaawacanaa Isha Midig, isla markaana ay dib-u-dayactireen qeybta Ishiisa ee ay waxyeelladu soo gaartay, wejiga hore iyo gudaha isha.

Dhakhtarka kale ee ka qeyb galay qaliinkaasi oo lagu magacaabo Dr. Volkan Hürmeriç waxa uu tilmaamay in qeybta cad ee ku hareeraysan Bu’da Isha lagu rakibay  xuub macmal ah, kaasi oo isha ka taageeraya inay wax si fiican u aragto.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in qaliinka lagu sameeyey isha bukaankaasi tahay qaliin mar-la-arag ah oo dhif iyo naadir ku ah Caalamka.

Dhakhtarka waxa kale oo uu sheegay inay qaliinka maray 4 heer oo socotay  muddo 3 saacadood , si ay u hagaajiyaan aragga ishiisa oo haatan aad u wanaagsan.

Waxa uu intaasi ku daray inuu aragiisa dib u soo laaban doono sida ugu dhaqsaha badan 100%.

Dhinaca kale, Abuukar Macallim Axmed oo ah aabe 5 carruur leh waxa uu Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu u sheegay inuu ka walaacsanaa inuusan mar dambe wax arki doonin, una shaqeysan Karin Qoyskiisa.

Waxa uu tilmaamay inuu qarxu qabsaday, xilli uu ka soo baxay Xafiiskiisa oo uu jidka marayey.

Abuukar Macallim Axmed oo sheegay inuu yahay Dhaqaale-yahan waxa uu xusay inuu haatan faraxsan yahay, kuna laaban doono qoyskiisa iyo shaqadiisa, wuxuuna u mahad celiyey Dhakhaatiirta Turkish-ka ee qaliinka ku samaysay.

Waxa kale oo uu Wareysigiisa ku sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa haddii mustaqbalka qaliin looga samayn lahaa Ishiisa bidix gudaha Turkiga.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Next Post

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo kusii jeeda Cadaado

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

May 14, 2025
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

May 14, 2025
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
Wararka Idaacadda

Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal

May 14, 2025
Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Kulamo Siyaasadeed oo Ka Socda Nairobi oo oo Looga Soo hor Jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh

May 14, 2025
Next Post

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo kusii jeeda Cadaado

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda iyo Xasilloonida Soomaaliya...

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Koox ka kooban madax hore iyo hoggaamiyeyaal xisbi oo si weyn looga qadariyo siyaasadda Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah...

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa si adag uga hadlay mowqifka Puntland ee ka bixitaanka madasha siyaasadeed ee dhawaan lagu...

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

by Ilhaan
May 14, 2025
0

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si cad u...

“Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
Warar

"Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
Warar

"Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
Warar

Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

"Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho"

May 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Trump to Meet Syrian Leader in Saudi Arabia Amid Historic U.S. Sanctions Reversal
English News

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • “Mashaariic Talyaani Maalgelinayo oo Laga Fulayo Maamul Goboleedyada
  • “Madaxda Hore oo Ka Digay Fidno Siyaasadeed oo Ka Bilaabatay Jubbaland”
  • Madaxweyne Deni: Madasha Muqdisho Waa Qorshe Lagu Burburinayo Jubbaland iyo Madax-bannaanida Maamul Goboleedyada
  • “Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00