Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa ka ambabaxay wafdi ka socda Galmudug, kuwaasi oo kusii jeeda deegaanka Bacadweyne ee Gobolka Mudug.
Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminayo Wasiirka Cusub ee Arrimaha gudaha maamulkaas Cabdi waayeel, waxaana kamid ah Wasiiro iyo Xildhibaano, iyagoona Gurmad u sida dadka shacabka ah ee waxyeelada kasoo gaartay daadadkii ku rogmaday Bacaadweyne.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Gargaar loo wado deegaanka Bacaadweyne uu ka kooban yahay Raashin iyo Daawo, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda halkaas la geeyo.
Bacaadweyne ayaa waxaa ka jirto xaalad adeg oo dhanka nolosha ah, waxaana halkaas ku rogmaday daadad xoogan ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay, waxaana ku dhintay 2 ruux, halka qoysas badan ay ku barakaceen.