• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Thursday, July 17, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Ambassador Ali Americo Diplomaasi Waddani ah oo ku dayasho mudan

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 29, 2015
in Warar
Reading Time: 11 mins read
A A
9
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ambassador Mohamed Ali Ameriko waxa uu maalin ka hor inta uusan bannanaynin Xafiiska Safaaradda Somalia ku leedahay magaalladda Nairobi ayuu waxa uu wareysiyo xiriir ah siiyey Suxufiyiin ku soo qulqulaysay Xafiiskiisa.

Xilliga ay Suxufiyiinta la kulmeen Ambassador Ali Ameriko ayaa ku beegan hal isbuuc kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku dileen 167 qof weerar ay Waaberi hore ku qaadeen Jaamacadda Garissa ee W/bari Kenya.

Ambassador Ameriko ayaa lagu xusuustaa marki iay Ciiddanka Kenya faragelinta ku soo sameeyeen dalka Somalia sannadkii 2011-kii, waxa uu ahaa Mas’uulkii sheegay mowqifa dalkiisu ka taagan yahay arrintaasi.

Diplomaasigu waxa uu sheegay inay Somalia iyo Kenya isku dan yihiin, wuxuuna xusay inay labada dal wadaahaan xuduud dheer.

“Ciiddanka Kenya waxay Somalia kula sugan yihiin Ciiddanka AMISOM iyagoo taageeraya Ciiddanka Somalia. Annaga kuma dhici doono taatikadda caddowga uu ku doonayo inuu nagu klaa qeybiyo” ayuu xilligaasi yiri Danjire Ali Ameriko.

8 sanno oo uu xilka Safiirka Somalia ee Kenya hayey waxa uu ka tegay Safaaradda, iyadoo aan weli la dirin farriintiisa culus.

Hadadaba haddaynu eegno Taariikh-nololeedka Ambassadorka Waddaniga ee Mohamed Ali Ameriko, waxa uu ku dhashay magaalladda Muqdisho, bishii October 12-dii 1952-kii.

Aabihiisa Cali Nuur waxa uu ahaa nin weyn oo miisaan ku leh Feerka (Boxing), wuxuuna  Horjooge ahaan uga shaqeyn jireyShirkad ceelasha qoda.

Aabe Cali Nuur waxa naanaysta Cali Amerika u bixiyey saaxiibkiisa, maadaama uu jeclaa inuu qaato Koofiyadda nooca ay xirtaan Lo’ jirayaasha Maraykanka (Cowboy)-ga.

Waana halkaasi meesha uu Ambassador Mohamed Ali Nuur “Ali Ameriko” uu u sii wato naanaystii loo yaqaanay aabihiisa.

Ambassador Ali Ameriko, waxa ay hooyadiisa geeriyootay isagoo 9 jir ahaa, wuxuuna markii dambe gacan taageero ka helay qaeaabadiisa.

Muddadii uu Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre ka talinayey dalkeenna, waxa uu Danjire Ameriko aabihiisa noqday Ganacsade maareyn jirey Baarar ku yaallay Muqdisho iyo goob gawaarida lagu kireeyo.

Markii uu Mohamed Ali Ameriko dhamaystay Dugsiga Sare waxa uu waxbarasho ugu ambabaxay dalka Maraykanka, wuxuuna wax ka soo bartay The Montgomery College in Maryland, kadibna waxa uu galay Jamaacadda The University of Maryland, oo uu ka bartay cilmiga Dhaqaalaha.

Waxa uu Jaamacadda The University of Maryland ka qalin jebiyey sannadkii 1985-kii, wuxuuna dib ugu soo laabtay dalka hooyo, isagoo shaqo ka helay Bangiga Dhexe ee Somalia.

Sannadkii 1986-kii ayaa loo magacaabay Madaxa Waaxda Xisaabaadka ee Bangiga Dhexe ee Somalia, wuxuuna xilkaasi hayey tan iyo markii ay dagaalladda sokeeye ka bilowdeen Somalia sannadkii 1991-kii.

Mohamed Ali Ameriko, waxa uu dib ugu laabtay, kana shaqeeyey dalka Maraykanka, ka hor inta uusan u wareegin dalka Kanada sannadkii 2000.

Sannadkii 1988-kii, isagoo 26-jir ah ayaa waxay xaaskiisa Deeqa u dhashay cunugooda koowaad, iyagoo haatan haysta afar wiil iyo afar gabdhood.

Lammaanahan waxay is guursadeen, kadib, markii ay ku kulmeen Xaflad uu saaxiibkiisa Xafladda Dhalashadiisa  ku dhigay magaalladda Muqdisho.

Ambassador Mohamed Ali Ameriko, waxaa uu aad u jecel yahay inuu cinwaankiisa ka dhigto magaca gabadhiisa, Yasmiin oo la dilay xilli ay kooxo hubeysan dhac u geysteen hoygiisa.

Yasmiin waxaa toogtay mid ka mid ah kooxihii dhacayey gurigiisa.

Xusuutii Tiiraanyadda lahayd ee dilkii Gabadhiisa Yaasmiin iyo cafiska uu dalbay mid ka mid ah kooxihii dilay:

Bishii September ee sannadkii 2014-kii, xilli uu Ambassador Ali Ameriko saaxiibadiisa kafeey kula cabayey Xeebta Lido, ayaa waxa dhinaciisa u soo dhaqaaqay nin uusan u aqoonin.

Ninkii ayaa waxa uu weydiiyey inuu yahay Ambassador Ameriko iyo in kale, laakiinse, Danjiraha oo shaki qabay ayaa markii dambe sheegay inuu yahay Ambassador Ameriko.

“Ma garanaysid qofka u uyahay ninka, laga yaabee inuu doonayo inuu ku idlo” ayuu Ambassador Ameriko niyadda iska yiri.

Ninkii ayaa ku yiri:- “Adeer, ma soo fariisan karaa?”, kadibna Ambassadorka intuu yiri “Soo fariiso”  ayaa waxaa  uu mar kale eego Ninkii, oo ay indhihiisa gaduud ahaayeen.

Ninkii ayaa is-baray Ambassador Ali Ameriko, wuxuuna sheegay in dhawaan laga so otarxiilay Sacuudiga oo dhowr jeer lagu xiray, kuna soo qaatay murugo sannado badan.

Ninkii waxa uu markii dambe uga sheekeeyey Ambassador Ali Ameriko inuu ka mid ahaa dableydii weerartay gurigiisa ee ka dambaysay dhacii iyo dilkii loo geystay gabadhiisa, wuxuuna ka codsaday inuu iska cafiyo.

Ambassadorka markii intaasi loo sheegay waxa uu dib u soo xusuustay dhacdadii 1992-kii, waxa uu u soo sawirantay gabadhiisa oo dhulka taalla.

Mar uu Ambassadorka ka sheekeynayey dhacdadaasi, waxa uu tilmamaay inay indhihiisa gaduud noqdeen, oo ay ilintu ka qubanayso indhihiisa.

Ninkii inta uu jilbnaha qabsaday Ambassadorka ayuu cafis weydiistay, wuxuuna Ambassadorka u sheegay ninkii dilay gabadhiisa inuu cafiyey.

Saaxiibadda Ambassadorka la fadhiday wey yaabeen, xitaa Ambassadorka ayaa ilmeeyey, markii uu Ninkii ka codsaday inuu cafiyo.

Ambassadorka iyo Ninkii intay laabta isa saareen ayuu Ambassadorka u sheegay inuu cafiyey.

Tallaabadda Ambassador Mohamed Ali Ameriko uu ku cafiyey ninkaasi waxay saamayn ku noqotay quluubta dadka Soomaaliyeed oo u baahan Dib-u-heshiisiin iyo Iscafin.

“Soomaalida waxay u baahan tahay Dib-u-heshiisiin, Ninka ii sheegay saas waxa uu qeyb ka yahay dadka dilay gabadheyda.Waan uga mahadcelinayaa inuu halkaasi iigu yimaado, waa geesi” ayuu yiri Ambassadorka oo intaasi ku daray in loo baahan yahay inay dadka isla hadlaan, si loo gaaro Wada-heshiin buuxda.

“Ma oranayo Caddalalad lama damaynin, laakiin dadka wax bay qalbigooda ku haystaan, waxaana loo baahan yahay inay bannaanka u soo saaraan” ayuu yiri Ambassadorka.

 Mohamed Ali Amerika iyo Waayihiisa Diplomaasnimo:

Kadib, sannad-guuradii 45-aad ee maalinta Dhalashadiisa oo ku beegnay October 19, 2007, waxa loo magacaabay Danjiraha Somalia ee u jooga Kenya.

Magacaabistiisa ma ahayn dhacdo nasiib iyo mid la sii qorsheeyey.

Shirkii Dib-u-heshiisiinta Somalia ee lagu qabtay Degaanka Eldoret/Mbagathi ee dalka Kenya iyo doorashadii Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG, Marxuum Abdillahi Yusuf Ahmed ee dabayaaqadii sanandkii 2004-tii, waxa uu Madaxweyne Abdillahi Yusuf u doortay Ali Mohamed Ghedi inuu noqdo Ra’isul-wasaare.

Markii uu Ambassador Mohamed Ali Ameriko ku laabtay dalka Knaada waxa uu aabihiisa ka codsaday inuu u Waco Ra’isul-wasaare Ghedi, si uu ugu hambalyeeyo Xilka loo doortay.

Markii Ra’isul-wasaare Ghedi loo gudbiyey Tahniyadda ayaa waxa uu ka codsaday Ambassador Mohamed Ali Ameriko inuu yimaado, si uu isaga ula shaqeeyo.

Ambassadorka ma u malaynin inay arrintaasi tahay Ra’yi Wanaagsan, wuxuuna Ra’isul-wasaaraha u sheegay inuu yahay Saxaibul-ciyaal aan awoodin inuu degdeg u soo ambabaxo.

Maalmo kadib, waxa uu ka soo ambabaxay Kanada, wuxuuna yimid dalka Kenya oo xilligaasi xarun u ahayd Dowladdii KMG.

Waxaa loo magacaabay Agaasimaga Guud ee Xafiiska Ra’isul-wasaaraha.

Markii ay Dowladdii KMG u soo wareegtay gudaha dala Somalia oo ay xarumo ka dhigteen Jowhar iyo Baydhabo, Ambassador Ali Ameriko waxa uu ku sii nagaaday dalka Kenya, wuxuuna ka mid ah koox loo xil saaray dib-u-furista Safaaradda Somalia ee magaalladda Nairobi iyo inay Adeegyadda Qunsuliyadda u fidiyaan Soomaalida ku noolayd Kenya.

Sannadkii 2006-dii markii mar kale dib loo furay Safaaradda Somalai ee Nairobi, waxa loo magacaabay Hawl-fuliyaha Safaaradda.

Sannadkii 2007-dii ayaa waxa Ambassador Ameriko waxaa si rasmi ahaan loogu magacaabay Danjiraha Somalia uga wakiilka ah Kenya.

Ambassador Ali Ameriko iyo Daqiiqaddii ugu farxadda badnayd:

Ambassador Mohamed Ali Ameriko waxa uu sheegay in “Daqiiqadda ugu farxadda badnayd Noloshiisa inay ahayd markii uu Waraaqihiisa Danjirenimo u gudbiyey Madaxweynihii Kenya, Mwai Kibaki oo ay is-gacan qaadeen.

Ambassador Ali Ameriko, waxa lagu amaanaa Hawlihii Taariikhiga ahaa ee uu qbatay muddadii uu Danjiraha ka ahaa dalka Kenya, waxaana lagu xusuustaa:-

·       Safaaradda Somalia waxay noqotay halka laga xiriiri jirey QM iyo Hay’addaha kale ee Xafiisyadda ku leh Nairobi, balse ka hawlgeli jirey gudaha dalka Somalia.

·       Safaaradda Somalia ee Kenya waxay noqotay Safaaradii ugu horreysay ee laga hirgeliyo Baasaboorka cusub ee Somalia.

·       Wax-u-qabashadda Muwaadiniinta Soomaalida ku dhaqan Kenya, gaar ahaan u doodista Qaxootiga oo iyagu raaf kala kulma Boliska Kenya. Waxaana lagu guuleystay inay Hay’addaha QM siiyaan qaxootiga Aqoonsiga Qaxootinimo.

·       Soo-celinta Dhismihii Safaaradda Somalia ee Nairobi oo la iibsaday xilligii ay dagaalladda sokeeye ka socdeen dalka Somalia. Dagaal dhinaac Sharciga oo qaatay muudo saddex sanno kadib ayaa dib loo soo celiyey Dhismaha Safaaradaasi oo ah Hanti Soomaaliyeed. Dadaalkaasi waxaa Ambassador Ali Ameriko ka taageeray Ku-xigeenkiisii hore, Mohamed Osman.

Ambassador Americo: Nabadeey Kenya,  Hello Villa Somalia

Ambassador Ali Ameriko waxa uu dhawaan sheegay inuu dib ugu soo laabanayo dalka hooyo, waxaana Xaflad Qaabilaad iyo Sagootin ah u sameeyey Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo ku ammaanay Danjiraha sida hawlkarnimadda leh ee uu uga shaqeeyey wanaajinta xiriirka labada dal iyo ilaalinta danaha Diplomaasi ee Somalia.

Ambassadorka ayaa ku soo wajahan Muqdisho, waxayna taasi muujinaysaa inuu yahay Halyeey iyo Waddani Daljire ah oo noloshiisa u hibeeyey U Adeegidda Danaha Qaranka Somalia.

Xigasho:- Sahan Journal

Waxaa soo koobay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed,

Dalsan Radio, Mogadishu, Somalia 

 Ambassador Americaamerika 222ali Amerikaamerika 333
Previous Post

Tanzania iyo Kenya oo u midoobayo La-dagaalanka Alshabaab iyo Kooxaha kale

Next Post

Garsoorayaal Soomaali ah oo maanta gaaray CaasimadaTunisia+ Sawirro

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Garsoorayaal Soomaali ah oo maanta gaaray CaasimadaTunisia+ Sawirro

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00