Maleeshiyada Kooxda Daalibaan ayaa la sheegay inay maanta gacanta ku dhigeen magaalladda AYBAK ee Caasimadda Gobalka Samangan, isla markaana ay sii daayeen Maxaabiistii ku xiray Xabsiga Dhexe ee magaalladaasi.
Afhayeenka Kooxda Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid oo Qoraal soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inay la wareegeen Degmadda Aybak ee bartamaha u ah Gobalka Samangan.
Telefishinka TOLO News waxa uu ka soo xigtay 2 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Gobalkaasi inay Kooxda Daalibaan si buuxda gacanta uguhayaan inta badan magaalladda Aybak, iyadoo ay Ciiddanka Dowladda ka baxeen iyagoo aan Wax-iska-caabin ah samaynin.