Barlamaanka dalkaasi ayaa la filayaa inay maanta Codka Kalsoonida u qaadaan Ninka la saadaalinayo inuu Madaxweyne ka noqdo dalkaasi.
Taliyihii hore ee Milliteriga dalka Lubnaan, Jeneral Mishel Coon oo Isbahaysi xooggan la ah Xisbullaahi ayaa la rajeynaya inuu maanta ku guuleysto in loo doorto xilka Madaxweynaha dalkaasi.
Mishel Coon oo Hoggaamiye u ah Kirishtaanka dalkaasi ayaa loo baahan yahay inuu Codka Kalsoonida ka helo 86 cod oo ka mid ah 128-ka Xildhibaan ee Barlamaanka Lubnaan.
Misheel Coon oo 81 jir ah waxa uu horey ugu guuleystay inuu helo Taageerradda 2 ka mid ah Mucaaradkiisa, oo kala ah Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Sacad Rafiiq Xariiri iyo Samiir Jacjac oo Taliye u ahaa Ciiddanka Kirishtaanka Lubnaan.
©Radio Dalsan