Telefishinka Al-Mexwaar ayaa laga joojiyey inay baahiyaan Wareysi ay la yeesheen Hanti-dhowrihii Qaranka ee dalkaasi, Heshaam Genena, kaasi oo horey u shaaciyey in lacag dhan 75 BILLION oo Dollar laga xaday Khasnadda Dowladda Masar muddadii u dhexeysay 2012-kii ilaa 20115-kii.
Dowladda Masar ayaa hadalkiisa ku tilmaaamtay mid been abuur, iyadoo Hanti-dhowrihii hore ee Masar. Hishaam Genena ayaa lagu soo oogay Dacwad, lagana eryey xilkii uu hayey.
Hishaam Genena oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AP ayaa sheegay inuu Telefishinka Al-Mexwar joojiyeen Wareysigiisa oo ku bixi lahaa Barnaamijka “Bandhigga 90-ka Daqiiqo” ee ka baxa Telefishinkaasi.
Waxa uu tilmaamay in Wareysigiisa la mamnuucay oo socday muddo 3 saacadood uu kaga hadlay Musuqa iyo in la sameeyo Guddiga La-dagaalanka Musuqa, Baahida Hufnaanta iyo Xorriyadda Saxaafadda.
Maamulka Telefishinka ma aysan bixinin sababaha ay u joojiyeen Wareysigaasi, iyadoo uu Telefishinka dhowr maalmood baahinayey in Wareysigaasi la baahin doono Habeenkii Axadda ee la soo dhaafay.
©Radio Dalsan