Madaxweynaha Maamulka Khaatumo oo ku sii jeeda Hargeysa.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo, Prof, Cali Khaliif Galaydh ayaa safar dhinaca dhulka ugu ambabaxay magaalladda Hargeysa, kadib, markii ay Maleeshiyo Deegaanka shalay u diideen inuu Diyaarad ka raaco Garoonka magaalladda Buuhoodle.

Maleshiyadda Deegaanka buuhoodle ayaa shalay ka jor joogsaday Madaxweynaha Khaatumo safar uu ugu ambabixi lahaa dalka Jabuuti, si uu uga qeyb galo Wada-hadalka Nabadda ee uu la lahaa Maamulka Somaliland, waxayna ku andacoodeen inuusan Cali Khaliif matalin Taageerayaasha Maamulka Khaatumo iyo Dadka Deegaanka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Wararka soo gaarayo Radio Dalsan ayaa sheegaya inuu Cali Khaliif xalay safar dhinaca dhulka ku tegay magaalladda Burco, waxaana la filayaa inuu maanta u sii gudbo magaalladda Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed M. Maxamuud “Silaanyo” ayaa dadaal ugu jira sidii uu dhigiisa Khaatumo, Cali Khaliif Galaydh ugu soo biiri lahaa Maamulka Somaliland ee aan weli helin Ictiraaf Caalami ah.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland  ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqay Gooni-goosasho Goballadda W/galbeed, Awdal, Togdheer iyo qeybo ka mid ah Sanaag.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media