Maxkamadda Degmadda Kyoto ee dalka Japan ayaa maanta Xukun Daldalaad ah ku riday Haweeney lagu magacaabo Chisako Kakehi, kadib, markii lagu helay inay dhowr nin dishay.
Chisako Kakehi oo 70-jir ah ayaa la sheegay inay sun ku dishay Ninkeda iyo 2 kale oo ay saaxiib l;a ahayd, halka nin 4-aadna uu ka badbaaday sgirqaoolkeeda.
Maxkamadda Degmadda Kyoto waxay sheegtay inay Chisako Kakehi  dilalkaasi geysatay muddadii u dhexeysay sannadihii 2007-dii ilaa 2011-kii.
Haweenydaasi ayaa la sheegay inay raggaasi u sumeysay si ay uga dhaxasho Hantida ay lahaayeen.
Waxaa la sheegay inay Chisako Kakehi guursatay ugu yaraan 3 jeer iyo inay saaxiib la ahayd 3 kale oo dhamaantooda wada geeriyooday sannooyin kadib, markii ay iyada la bilaabeen Xiriirkooda.
i waxaa la sheegay inay ka dhaxashay lacag dhan 8.8 million oo Dollars.
Haweeneydaasi oo lagu naansyo “Haweeneyda Suntaâ€Â waxaa la xiray sannadkii 2014-kii, kadib, markii uu geeriyooday Ninkeeda oo 75-jir ahaa.
Waxa uu geeriyooday bishii December ee sannadkii 2013-kii, bil kadib, markii uu guursaday.
Waxaa markii dambe iyada lagu soo oogay dilka 2 nin oo kala ahaa labo nin oo ay saaxiib lahayd, kuwaasi oo da’dooda kala ahayd 71-jir ahaa iyo 75 jir.
Waxaa kaloo lagu helay inay dili lahayd
Baarayaasha Boliska waxay guriga Haweeneyda ka heleen Baakat ay ku jireen maadada suntan eecyanide,taasi oo ay u adeegsan jirtey inay ragga cabsiiyo, iyadoo ku beer laxaawsan jirtey inuu Kaabsalka u fiican yahay Caafimaadkooda.
Garsoore Ayako Nakagawa ayaa sheegay inay Chisako Kakehi  qaadayso mas’uuliyadda dilalkaasi, maadaama ay iyada la joogtay markii uu mid kasta dhimanayey.