Masuuliyiinta sar sare ee Maamulka koofur Galbeed ayaa kulamo siyaasadeed waxaa ay ka wadaan magaalada Nairobi, iyadoo hadda ay cirka isku sii shareertay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad Goboleedyada dalka ka jira.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Nairobi Caasimadda dalka Kenya ujooga safar shaqo ayaa kulan la qaatay Danjiraha Midowga Yurub ufadhiya Soomaaliya Ms Karin Johansson
Madaxweyne Laftagareen iyo Ms Karin Johansson ayaa ka wada hadlay Xaalada Siyaasada Dalka, Amniga guud Deeganada Koonfur Galbeed ,Mashaariicda EU ay ka wada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Arimaha Biniadanimada.
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku wehlinaayey Wasiirada Wasaaraddaha Qorshaynta, Gargaarka, Agaasimaha Madaxtooyada iyo la Taliyaha Madaxweynaha.
Dowladda Federaalka ayaa hadda waxaa khilaafkii ugu weynaa uu kala dhexeeyaa Maamulada Jubbaland iyo Puntland, waxaana cakiran xiriirka guud ee dhinacyada oo isku haya doorashooyinka iyo arrimo kale.