Magaalada Ksimaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa manta lagu dooran doonaa 6 kursi oo ka mid ah kuraasta Golahas shacabka ee Dowlad Goboleedkaasi ku metali doona baarlamaanka 11aad.
Guddiga doorashada ayaa horay u shaaciyay in ay qabanayaan doorashada kuraastaas, waxaana la filayaa in manta lagu soo gaba-gabeeyo Kismaayo.
Lixda kursi ayaa waxaa ku tartami doona musharixin dhowr ah, waxaana kuraasta qaar la saadaalinayaa in ay dib ugu soo laabtaan xubnihii horay ugu fadhiyay.
Kuraaasta lagu tartamayo maanta waxaa qaar ka mid ah horay ugu fadhiyay Xildhibaanada kala ah Xildhibaan Xasan Yare, Xildhibaan Caana Nuug, Xildhibaan Sahro Qorsheel Iyo Xildhibaan Maryan Aweys.
Waxaana tirsiyada kuraasta maanta lagu tartamayo ay kala yihiin.
1-HOP 203 Waxaa ku tartami doona
Hamse Cabdi Barre.
Axmed Maxamed Maxamuud.
2-HOP 108 waxaa ku tartamaya
Maxamed Cali Cumar
Ibraahim Cabdulle Ibraahim
3-HOP-113 waxaa ku tartamaya
Saynab Cali Muganga
Maryan Aweys Jaamac
4-HOP-134 waxaa ku tartamaya
Sahra Jaamac Cali
Fartuun Axmed Yuusuf
5-HOP-082 waxaa ku tartamaya
Siyaad Aadan Iidle
Cabdirashiid Jire Qalinle
6-HOP-217 waxaa ku tartamaya
Xasan Cabdi Ismaaciil
Maxamed Farax Muxumed
Waxaana Guddigu ay shaaciyeen in goordhaw ay bilaaban doontodoorashada kursiga HOP 203 oo ay ku tartamayaan oo ay ku tartami doonaan Hamse Cabdi Barre iyo Axmed Maxamed Maxamuud.