Midowga Culimada Islaamka oo War kasoo saaray heshiiskii Baxreyn & Israaiil

Midowga Caalamiga ah ee Culimada Muslimiinta ayaa si rasmi u muujiyay dareenkiisa ku aaddan heshiiska Dowladda Baxrayn ay dhawaan la galay Israel, kadib markii  heshiis uu shaaciyay Madaxweyaha Mareykanka.

Midowga Caalamiga ah ee Culimada ayaa heshiiskaas Baxrayn la gashay Israel waxaa ay ku ilmaameen inuu yahay khiyaano qaran oo laga gelayo shacabka Falastiin iyo umadda Islaamka ah.

Xoghayaha Guud ee Midowga Culimada Islaamka Ali Al-Qardagi ayaa sheegay in kulankii ugu danbeeyey ee midowga uu kasoo baxay bayaan ay kaga hadlayaan heshiiskaas iyo sida ay u arkaan,

Sidoo kale Xoghaye Ali Al-Qardagi ayaa tilmaamay in heshiiskaasi uu yahay mid lagu deg degay, maadaama Israel ay weli ku adkaysanayso inay sii haysato dhulka umadda islaamka ah ee Falastiin.

Waa waddankii Afaraad oo Carbeed, isla markaana xiriir diblumaasiyadeed oo toos ah la yeesha Israaiil, waxaa heshiis hore la gaaray Israaiil wadamada Masar, Urdun, iyo Imaaraadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media