Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaarigiisa loogu xiray Nin la sheegay in uu ka mid ahaa dhaqaatiirta Magaalada Muqdisho isla markaana lahaa Xarun Caafimaad.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska degmada Hodan . Aadan Cismaan Xuseen oo la hadlay Dalsan ayaa xaqiijiyay in gaarigiisa Dhaqtarka oo lagu Magacaabo Xaashi Dhiblaawe uu la qarxay xili uu marayay agagaarka Warta Siigaale ee degmada Hodan.
Waxa uu sheegay in Dhaqtarka lugtiisa Midig ay Go’day isla markaana haatan lagu daweynayo Isbitaalka Daaru-Shifaa ee Magaalada Muqdisho.
Taliye ku xigeenka macadeyn cida ka dambeysay falkaas iyo in ay dad u soo qabteen iyo in kale balse waxa uu sheegay in gaarigiisa nooca raaxada ah uu la qarxay.
Dhaqtar Xirsi Dhiblaawe ayaa la sheegay in uu ahaa Dhaqtar dhanka Cudurada  Wadnaha ah isla markaana uu ka howlgalayay Xarun Cafimaad oo ku taalla agagaarka Madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo u dhaw Iskuulka Hoyga Xamar Xaruntiisa KM4.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegteen masuuliyada Qaraxa lagu dhaawacay dhaqtarkaas iyaga oo sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiisha Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.
Dalsan ayaa xiriir la sameysay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya waxa ayna sheegeen in uusan ka tirsaneyn Wasaaradda isla markaana ay ku yaqaanaan in uu yahay dhaqtar si gaar ah u Shaqeysta.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliye ku xigeenka Saldhigga degmada Hodan.