Kulan laga yeeshay xaaladaha Deg-dega ah ee dalka ka jira

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlay ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah ee dalka ka jira.

Kulanka ayaa si gaar ah looga hadlay wax ka qabashada fatahaadaha, COVID19 iyo ayaxa oo kamid ah xaaladaha ugu daran ee xilligaan dhibaatada ku haya dalka.

Kulanka intii uu socday waxaa la isla gartay in la sameeyo guddi isku dubba rida oo ka shaqeeya howlaha ku xeeran wax ka qabashada, mudnaan siinta iyo dardar gelinta dadaallada lagu yareynayo qatarta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media