Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo tallaado ah waxaa ay kulankii ugu horreeyay muddo kadib ku yeelanayaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Aqalka Sare ayaa waxaa uu yahay ansixinta xubin ka mid Noqonaysa Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, taas oo ay horey u soo ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
Kulamo ay dhowr jeer yeelan lahaayeen Golaha Aqalka Sare ayaa u baaqday Khilaaf ka dhashay qaabka loo qabanayo kulanka, Guddoonka Golaha ayaa dalbaday in kulamada lagu qabto qaab ZOOM ah, halka Senatarada qaarkodo ay dalbadeen in si fadhi ah loo qabto.
Khilaaf ayaa xoogan ayaa weli u dhexeeya Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana xusid mudan in Aqalka Sare uu kasoo horjeestay sharciyo ay ansixiyeren Golaha Shacabka.