Kulamadaan oo soo bilaawday Maalin ka hor ayaa haatan waxa ay maraayan meel wanasagn,waxana la sheegay in ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka socda Golaha Shacabka Soomaaliya oo labada dhinac ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxa uu kula kulmay Guddiyo ka kooban 14 Xubnood oo ay iska soo kala xuleen Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo kuxigeenkiisa 1aad Cabduweli Muudeey.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddiyada Xildhibaanada ah kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Golaha Shacabka Soomaaliya,waxaana la sheegay in ay jireen qodobo ay isku afgarteen.
Xildhibaanada taagersan gudoomiye Jawaari ayaa aqbalay in codka kalsoonida loo qado mooshinka waliba si qarsoodi ah halka kuwa mooshinka ka keenay ay iyana doonayaan in cod gacan tag ah mooshinka loo qaado.
Guddiyada labada dhinac ka kala socda ayaa sidoo kale waxa ay kulan la qaadan doonaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ,waxana hadda warark aan heleyno ay sheegayaan in uu jiro xoogaa isku soo dhawaansho.