Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka mid ah mudanayaasha Baarlaamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaanada Maamulka Koonfur galbeed ayaa ka hadlay xiisada ka dhex jirta Baarlamaanka iyo doorka kaga aadanaa Madaxweyne Farmaajo.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay kaalintii uu ku lahaa xalinta khilaafka hareeyay Guddoonka Golaha Shacabka ee sababay in ay kal qeyb samaan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo lagu soo doortay sharci,isla markaana doorashadiisa si sax ah lagu soo doortay laakin balse ay u muuqato mid uu ku fashilmay Shaqadii loo doortay.
Waxa uu soo hadal qaaday Ciidamadii ilaalada gudoomiyaha Golaha ShacabkaMaxamed Sheekh cusmaan Jawaari ee laga wareejiyey,waxa uuna ku baaqay in hadii Gudoomiye Jawaari xilka laga qaadayo in sisharci ah xilka looga qaado.
“Mudane Madaxweyne waad ku guuleysan weysay qorshii laguu doortay,waxaad la kulantay dhinacyadii baarlamaanka ee uu khilaafka ka dhaxeeyey laakin kuma adan guuleysan in aad xaliso,waxana fadlan kaa codsanayaa anigoo ka tirsan Xubnaha Golaha Shacabka in aad is cashisho,is casil is casil ayuu yiri Xildhibaan Idiri Cabdi Dhaqtarâ€