Faah faahin:-Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Canada

Waxaa habeen hore oo sabti aheyd Magaalada Toronto ee dalka Canada ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed, kadib markii rasaas dhowr ay ku fureen rag hubeysan oo madow ah, sida ay shaaciyeen Booliska dalkaas.

Saraakiil u hadlay Booliska Toronto ayaa sheegay in ragga madowga oo da’doodu ay u dhaxeyso 20 ilaa 25 sano jir lagu tuhun yahay inay rasaaseeyeen Muwaadinka, xili uu watay gaari, kuna socdaalayay agagaarka waddada Dixon iyo Scarlett.

Allaha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Haabiil Axmed Cabdullaahi oo da’diisa lagu sheegay  21 sano jir, waxaana goobta ay Booliska ka qaaden Meydkiisa.

Booliska Magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in raggii madowga ahaa ee ku eedeysan falkaas dhacay ay ku baxsadeen gaari ay wateen, hayeeshee gaariga uu shil la galay, kadibna ay ka carareen.

Gaariga shilka galay ay wateen ragga ayaa waxaa la tilmaamay in Ciidanka Booliska ay dhex heleen laba bastoolad, waxaana Ciidamada ay ku raad-joogaan ragga madowga ee baxsaday, kuwaasi oo la Maxkameyn doono haddii ay qabtaan Ciidanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor