Kooxo ku hubeysnaa Bustoolado ayaa Caawa qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen Nin Oday ahaa,iyaga oo intaasi kadib Goobta isaga baxsaday.
Dilka ayaa sigaar ah waxa uu uga dhacay Xaafada Showriga oo ka tirsan degmadaasi Dharkeenley,waxana dadka deegaanka ay Ninka la dilay Magaciisa ku sheegeen Maxamed Cali Cabdullaahi.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Ninka la dilay uu ka mid ahaa Ergadii waxka soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,isla markaana dadkii ka dambeeyey dilka ay durbaba goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa Goobta gaaray kuwaas oo howlgallo baaritaano ah halkaasi ka sameeyey wallow aysan ku guuleysan in ay qabtaan dadkii ka dambeeyey dilkaas.
Ehelada Marxuumka ayaa sidoo kale tegay goobta uu dilka ka dhacay,iyaga oo Goobta ka qaaday Meydka Marxuum Maxamed Cali Cabdullaahi,welina dilkaasi kama hadlin Maamulka degmada Dharkenley ee Gobolkan Banaadir.