Dhageyso:-Ciidamo gaar ah oo loo diyaariyay Amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa xalay waxa uu booqasho ugu tagay ciidamo sigaar ah loo tababarayo oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed si loogu wareejiyo Amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha oo ay wehlinayeen Taliyaha Ciidanka Booliska,Wasiirka Qorsheynta iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka G/Banaadir ayaa tegay Saddex Xarumood oo uu ka mid yahay dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye,waxaana uu Warbiixn ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada.

Xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen ayaa sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu mid mid ula hadlay Ciidamada Booliska ee Xarumihii uu booqday tababarka uga socday,kuwaas oo loo diyaariyay sugida amniga Magalada Muqdisho.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa kormeeray qaar ka mid ah Isgoysyada Magalada Muqdisho halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor