Muuqaal Video oo la soo dhigay Barta YouTube-ka ayey Kooxda Daacish ugu baaqeen xubnaha Daacish ee ku sugan gudaha Raashiya inay dagaal Jihaad ah ka bilaabaan Raashiya.
Farriinta Muuqaalka oo uu akhriyey Nin wejiga soo hagoogtay ayaa yiri: “Maqal Putin, waan imaan doonaa Raashiya, waxaana idinku dili doonaa guryihiina”
Ma cadda sbaabaha rasmiga ee ay Daacish bartilmaameed uga dhiganayso Raashiya, inkastoo Raashiya iyo Maraykanka haatan ka wada hadlayaan Iskaashiga dhinacyadda Milliteriga iyo Sirdoonka ee ka dhanka ah Kooxda Daacish ee ku sugan gudaha dalka Syria.
©Radio Dalsan