Ciiddanka Kenya ee ka hawlgala Gobalka W/bari ee dalkaasi ayaa la sheegay inay dileen Nin Dareewal ka ahaa Mootadda ay Dadka Kenyanka u yaqaanaan Boda Boda, isla markaana ay Ciiddanku boobeen dadka ku nool Deegaanka Lafey ee Gobalka Mandera.
Dadka Deegaanka ee Tuulladda Sheikh Barrow ee Deegaanka Lafey ayaa shalay sheegay inay goobahooda ganacsiga boobeen Ciiddankii Kenya ee loo xil saaray inay ka hortagaan weerarkii ay Alshabaab Jimcihii hore ku qaadeen Deegaanka Lafey.
Guddoomiyaha Tuulladaasi, Aadan Xasan Afeey ayaa u sheegay Warbaahinta inay Ciiddanka toogteen Nin watay Mootadda nooca Kenya looga yaqaano Boda Boda, kaasi oo lagu magacaabi jirey Axmed Rooble.
Waxa kale oo uu tilmaamay in ay Ciiddanka toogteen Marxuumka xilli uu soo booqday Qaraabadiisa.
Ciiddanka waxay kaloo si xun u dhaawaceen 8 qof oo rayid ah, isla markaana ay boobeen goobihii ganacsiga.
“Ugu yaraan Mobaylo ay lahaayeen 28 qof ayey dhaceen, waxay kaloo boobeen goobo ganacsi iyo Qalabka laga dhaliyo Tamarta Qorraxda ee Solarka” ayuu yiri Aadan Xasan Afeey.
Tacadigaasi ayaa yimid, kadib, markii ay miino la kacday mid ka mid ah gaadiidka ay Ciiddanka wateen oo uu ku geeriyooday Hal Askari.
Dhinaca kale, Xildhibaan Shacbaan Cali Isaaq oo ka tirsan Barlaamka Deegaanka Lafeey ayaa cambaareeyey Tacadiga loo geystay Dadka Deegaanka, wuxuuna xusay inaysan oggolaan doonin inay Ciiddanka dhibaateeyaan dadka rayidka ee aan waaxba galabsanin.
Taliyaha Boliska Deegaanka Lafeey, Bosita Omukolongolo ayaa isagana beeniyey inay Ciiddanka geysteen dhac iyo inay mas’uul ka yihiin dilka Dareewalkii watay Mootada.
©Radio Dalsan