Khilaaf xoogan oo ka dhashay Magacaabistii Madaxweyne Gaas ee Guddiga xalinta khilaafaadka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta waxa uu Magacaabay Guddiga xalinta khilaafaadka Barlamaanka,hayeeshee taasi ay khilaaf ka dhex dhalisay isaga iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo qaar ka mid ah musharixiinta.

Wararka laga helayo Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxa ay ku waramayaan in haatan uu kulan u socdo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey iyo qaar ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka iyo musharixiinta ayaa la sheegay inay kasoo horjeedaan Guddiga xalinta Khilaafaadka Golaha Wakiilada Puntland ee uu Madaxweyne Gaas Magacaabay,taasina ay keentay inay shir deg deg ah yeeshaan.

Warar haatan soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu doonayo inuu Goordhow Magacaabo  Guddi kale taas oo dhalineysa khilaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey oo ay wehlinayaan qaar ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor