Bambaanooyin lagu weeraray Hoyga Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya

Wararka Radio Dalsan ka helayo Magalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in weerar bambaanooyin ah lagu qaaday Guriga Xildhibaan hore uu ka degan yahay Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Guriga Xildhibaan hore oo lagu Magacaabo Maaxamed Kheyr Xaaji Maxamed Ibraahim Hiireey ayaa ayaa waxaa uu ku yaalla Xaafada Wadajir gaar ahaan Agagaarka EDC ee duledka Koonkureed ee Magalada Baydhabo.

Wariyaheena ku sugan Magalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in Bambaanada laga tuuray Guriga Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Dowladii Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay ku dhaawacmeen Saddex ruux oo Guriga ku sugnaa oo kala ahaa Gabar Yar Oday da’ah iyo qof wadada marayay.

Dadkii Bambaanooyinka ku weeraray Guriga Xildhibaan hore ayaa goobta ka baxsaday,waxaana la sheegay  in ay tageen Ciidamo ka tirsa kuwa Maamulka Koonfur Galbeed.

Xaalada Magalada Baydhabo ayaa Caawa degan,waxana halkasi laga dareemayaa qaban qaabada ku aadan doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la filayo inay dhacdo 19 Bishaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor