Kenya oo Taliye cusub u soo magacowday Xeradda Kul-biyow oo ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerareen

Taliye cusub ayey Kenya u soo magacaabeen Ciiddankooda ku soo laabtay Xeraddii ay ku lahaayeen Deegaanka Kul-biyow oo 18-KM u jira Xuduudka Kenya.

Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa G/le George Osano, wuxuuna bedelay Taliyihii hore ee Xeradaasi, G/le Denis Girenge, kaasi oo ku dhaawacmay Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Xeradda Kul-biyow.

Sarkaalkaasi waxaa dhaawaciisa la dhigay Isbitaalka Ciiddamadda Kenya ee Defence Memorial Hospital oo ku yaalla magaalladda Nairobi.

Weriye ka tirsan Wargeyska Daily Nation oo shalay booqday Kul-biyow ayaa sheegay in raadkii dagaalka laga dareemayo nawaaxiga Xeradda, isla markaana lagu arkayo matooradda gaadiidkii lagu gudbay Dagaalkaasi.

Taliyaha cusub ee Ciiddanka Kenya ee jooga Xeradda Kul-biyow,  G/le George Osano ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation inay Khibrad ka qaateen Taatikadda Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media