Madaxweyne Gaas oo La Kulmay musharaxiin uu ku jiro Sheikh Shariif.

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay qaar kamid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha xili uu maalin kahor soo gaaray Muqdisho.

Waxaa uu Gaas la hadalay musharaxiin ay ku jiraan Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ay kawada hadleen arimo laxriira doorashada waxaana Dalsan ilo ku dhow madasha ay ka heshay in madaxweynaha Puntland la weydiistay sidii ay Codad uga heli lahayeen Musharaxiinta uu lakulmay xildhibanada Labada gole ee lagu soo doortay magaalada Garoowe.

Waxaa ay waxyar ka harsantahay Doorashada madaxweynaha iyadoo hoteelada waa ween ee magaalada Muqdisho laga dareemayo Saxmad iyo Ololihii ugu danbeeyey ee dororashada waxaana socda Xodxodasho xubnaha Baarlamaanka si ay codad uga helaan musharaxiinta.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media