Xildhibaan Joseph Kiuna oo xubin ka ah Guddiga Difaaca ee Barlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in la casriyeeyo Qalabka Ciiddamadda, gaar ahaan kuwa ku sugan gudaha Somalia iyo xuduudka ee u nugul Weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab soo qaadaan.
Isagoo ka hadlayey Degmadda Njoro oo 18-KM dhanka K/Galbeed kaga toosan magaalladda Nakuri waxa u uku booriyey Dowladda Kenya in la maalgeliyo Qalabka Ciiddanka, oo uu xusay inaysan ku tayo ahayn Hubka ay Dagaalamayaasha Alshabaab haystaan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab aad uga fekeraan Xeelladaha ay ku soo hujumaan Ciiddanka Kenya, wuxuuna dhinaca kale ku tirtirsiiyey Dowladda Kenya in la qaado tallaabo lagu maalgelinayo Ciiddanka iyo Qalabkooda.
Hadalkiisa ayaa yimid, labo isbuuc kadib, markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab weerar qorsheysan la beegsadeen Xero ay Askarta Kenya ku lahaayeen Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/hoose.
Hadal ka soo baxay Xarakadda Alshabaab ayaa lagu sheegay inay weerarkaasi ku dileen 68-Askari, waxayna Alshabaab soo bandhigaan Sawiradda maydadka Askarta Kenya iyo Gaadiidka Dagaalka ee lagu gubay Kul-biyow.
©Radio Dalsan