Wargeyska Toddobaadlaha ee Sunday Nation ee ka soo baxa Magaalladda Nairobi ayaa maanta qoray inay 5 Haween oo Kenyan ah lagu hayo Baaritaano, kadib, markii ay sheegeen inay ka soo baxsadeen Dagaalamayaasha Alshabaab, waa sida uu Wargeysku qoray.
Haweenkaasi oo da’doodu u dhexeyso 19 ilaa 22-jir ayaa u sheegay Saraakiisha Ammaanka inay horey uga tirsanaayeen Alshabaab, balse ay ka soo goosteen, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Wargeyska Sunday Nation waxa uu qoray in 2 ka mid ah Haweenka iskooda ugu socdaaleen gudaha Somalia, halka ay labada kale sheegeen in Tahriib ahaan ku galeen Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijinaya inay Haweenkaasi horey uga tirsanaan jireen Alshabaab, sida uu maanta qoray Wareyska Sunday Nation.