Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay qaaday Xayiraadii ay wax ka yar hal bil ka hor ku soo rogtay Kalluumeysatdooda ka jillaabta meel ku dhow xuduud-baddeedka Somalia, kadib, markii uu Ammaanka oo soo hagaagay.
Xiriiriyaha Bolis-Gobaleedka Xeebta ee dalkaasi, John Elungata waxa uu sheegay inay Milliteriga iyo Boliska loo daad-gureeyey si ay u adkeeyaan Ammaanka Xuduudka Badda iyo Berriga ee uu dalka Kenya la wadaago dalkeenna Somalia.
Waxa uu ka codsaday Kalluumeystaada Kenya inaysan u kalluumeysi tagaan badda fog, si ay gacan uga geystaan dhiirigelinta koritaanka Dhaqaalaha Bulugga.
“Waxaan doonaynaa inay caadi ku soo noqoto Lamu, laga bilaabo Deegaanka Hindi ilaa xuduudka, Kalluumeysateenna wey ka cabsadaan” ayuu yiri, isagoo socdaal ku maraya Gobalka, kadib, markii uu ka qeyb galay kulamo dhanka Ammaanka.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda siin doonto Kalluumeysatadda Doonyo iyo Qalabka lagu kalluumeysto, si ay u soo saaraan Kalluun badan, lana gaarsiiyo Nairobi iyo Mombasa.
Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxay horey bishan June 3-dii Bandow ugu soo rogtay dhaqdhaqaaqii Kalluumeysigameel ku dhow Xuduudka Somalia sababo dhanka Ammaanka.
Guddoomiyaha Gobalka Lami, Joseph Kanyiri waxa uu horey u sheegay inaysan Kalluumeystada Kenyaanka u socdaali Karin Deegaanka Raas Kambooni iyo deegaanadda kale ee u dhow Xuduuka Somalia, isagoo sheegay inay kordheen waxa ay ugu yeereen shilalka tahriibinta Dadka iyo Badeecadaha iyo Daawooyinka Kontorobaanka ee loo gudbiyo Kenya.