Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in Maanta Magaalada Muqdisho uu soo gaaray Sarkaal Sare oo Muddo dheer ka tirsnaa Al-shabaab.
War qoraal ah oo la soo dhigay barta twitter-ka ay ku leedahay Hay’adda nabadsugida ayaa waxaa lagu sheegay in Saraalka Muqdisho yimid lagu magacaabo Mukhtar Maxamed Cabdi (Mukhtaar Ganeey).
Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Mukhtaar Ganeey uu ka dalbaday inay u ogalaadan sidii uu uga soo goosan lahaa Al-shabaab,isla markaana ay arrintaas ka Aqbaleen.
“Waxaa Muqdisho soo gaaray Mukhtar Mohamed Abdi (Mukhtaar Ganeey), oo ahaa sargaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa argagixisada Alshabab, kadib markuu ka dalbaday NISA inay u sahasho sidii uu uga soo goosan lahaa”aya lagu yiri Warka ka soo baxay NISA.
Ugu dambeyntii Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ma shaacin halka uu iska soo dhiibay Mukhtar Maxamed Cabdi (Mukhtaar Ganeey) oo muddo dheer ka tirsanaa Al-shabaab.