Jenerel Abraha Woldemariam oo lagu naanaysi jirey Kuwartar waxa uu ahaa Taliyihii ugu horreeyey ee Ciiddankii Ethiopia ee sannadkii 2007-dii gudaha u soo galay Somalia, iyagoo dagaal la galay Dagaalamayaasha Alshabaab.
Soo-gelitaanka Ciiddankaasi waxaa ka dhalatay xasaasiyad xooggan, iyadoo aydadka Soomaaliyeed u arkaan Ethiopia caddowga koowaad ee dalkeenna.
Jenerel Abraha Woldemariam ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla caaasimadda dalka Thailand ee Bankok, isagoo muddo dhowr bilood daaweyn u joogay dalkaasi.
Waxa uu ka mid ahaa dhowr Jeneral oo la magacaabay muddadii uu Ra’isul-wasaaraha ka ahaa Ethiopia, Hailemariam Desalegne,waxaana Hawlgab laga dhigay, markii uu Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed awoodda la wareegay.
Jeneral Abraha Woldemariam waxa ugu dambaysay in lagu arko meel Fagaare ah bishii Feberaayo sannadkan, markii uu ka qeyb galay sannad-guuradii 44-aad ee Ciiddankii hore ee Jabhadda Xorreynta Tirgreyga ee haatan maamula Gobalka Tigrayga ee dalkaasi.
Waayihii hore, Jeneral Abraha Woldemariam waxa lagu eedeyn jirey inuu ku lug lahaa Tacadiyadii ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ee ka dhacay Gobalka Soomaalida Ethiopia, halkaasi oo uu ka ahaa Taliyaha Qeybta K/bari ee Ciiddanka Federalka Ethiopia.
Waxaa lagu eedeeyaa inuu Isbahaysi dhow la lahaa Madaxweynihii Gobalka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar (Cabdi Ileey), kaasi oo haatan Xabsiga ku jira, laguna eedeynayo Dilalka iyo Barakicii ka dhacay Gobalka bishii August ee sannadkii hore ee 2018-kii.
Faahfaahin lagama hayo qabanqaabadda Aaska Jeneral Abraha Woldemariam, balse waxaa laga yaabaa inuu Aas Heer Dowlad-Gobaleed looga sameeyo Gobalka Tigrayga ee uu ka soo jeedo.
Warbaahinta Ethiopia waxay dhowr bilood ka hor sheegeen in Jeneral Abraha Woldemariam doonayey inuu fasax ka helo Ra’isul-wasaare Abiy Ahm,ed, si uu ugu ambabaxo dalka Thailand, oo uu iskaga soo daaweynayey cudddur aan weli la shaacinin waxa uu ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, Ethiopia waxay hal isbuuc gudahiisa ku weyday 3 Jeneral, kuwaasi oo kala ah: Taliyihii Guud ee Milliteriga Ethiopia, Jeneral Seare Mekonnen oo uu dilay Ilaaliyihiisa Khaaska iyo Jeneral Gezae Aberra iyo Jeneral Abraha Woldemariam .