Dowladda Kenya waxay maanta sheegtay inay Ciiddamo dheeraad ah u daad-gureeyeen xuduudka ay la leeyihiin dalkeenna Somalia, isla markaana ay xoojiyeen si ay uga hortagaan weeraradda ay Dagaalamayaasha Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.
Maamulayaasha Kenya waxay xaqjiiyeen in Qorshaha Ammaanka yimid, 3 maalin kadib, markii ay Alshabaab weerar ka geysteen Hotel ku yaalla magaalladda Kismaayo.
Guddoomiyaha Degmadda Wajeer, Lijword Kibara oo soo saaray War-saxaafadeed waxa uu sheegay inay Saraakiil Ammaan oo badan u daad-gureeyeen Deegaanadda ku teedsan Xuduudka Somalia iyo Kenya, kadib, weerarkii Kismaayo.
Waxa uu tilmaamay in ciiddanka dheeraadka qeyb ka yahay Hawlgalka ay doonayaan inay kaga hor tagaan weeraradda Alshabaab la beegsadaan xarumaha Dowladda ee ku yaalla gudaha Kenya.
Tallaabadda ay Kenya ku xoojinayso Ammaanka ayaa waxa uu ku sop obeegmay, iyadoo ay Dagaalamayaasha Alshabaab kordhiyeen hawlgalladda ay la beegsadaan gaadiidka Ciiddanka Kenya ee socodka Ilaaladda ku mara deegaanadda ku teedsan Xuduudka W/bari ee dalkaasi.