Ra’iisul Wasaara ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Mgaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta qaranka iyo Taliyaha Ciidaanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa daraja dalacsiin ah oo ka socoto Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) u xiray saraakiil katirsan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kuwaas oo lagu abaal mariyay shaqooyinka culus ee amniga laxariira oo ay ka hayaan dalka.
Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyed ex G/sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto, waxaa sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed ex G/dhaxe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale oo katirsan howlgalada ciidanka Booliiska iyo qaar kamid ah taliyaasha saldhigyada degmooyinka goboka Banaadir ayaa kamid ahaa kuwa ay madaxda u xireen darajooyinka dalacsiinta ah.
Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ugu horeyn ka hadlay Munaasabada dalcsiinta ah.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya uga mahadceliyay garab istaaga iyo dhiiragalinta ciidamada qaranka ee u taagan difaaca qaranka iyo badbaadinta shacabka.
Ra’iisul wasaara ku-xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa u hambalyeeyay saraakiisha la dalacsiiyay isagoo kula dardaarmay in ay laba laaban da’daalka lagula dagaalamayo Al-shabaab.