Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka iyo wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiir Janan, kaasi oo heshiis la galay Xukuumadda mudda xileedkeedu dhammaaday.
Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa sheegay in ku biiritaan Janan ee uu ku biiray Dowladda Federaalka uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin Maamulka Jubbaland, waxaana uu intaa ku daray in Mowqifk Jubbaland aysan waxna iska beddeli doonin.
Wasiirka oo wareysi uu siiyay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ku faah faahiyay arrimaha Cabdirashiid Janan ayaa intaa ku daray in dowladdu iyadu ay mar xirtay Janan oo tiri waa dambiile, haddana iyadaa diyaarado & wasiiro u soo dirsatay.
Cabdirashiid Janan ayaa horay dagaallo culus ula galay Dowaladda waxaana, tiro dhowr jeer ah uu soo weeraray degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo ay ka mid tahay Beled-xaawo, waxaana dagaaladaasi ku dhintay dad shacab ah iyadoo ay barakeen kuwo kale.
Hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa dalbatay in Dhibanayaasha iyo qoysaska ay saamaynta ku yeesheen falalka inuu ka gaystay Cabdirashiid Janan helaan Cadaaladda.
Cabdirashiid Janan ayaa heshiis la gaaray Dowladda Federaalka, waxaana si weyn loogu soo dhawweyay duleedka Magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo Soodhaweynta Cabdirashiid Janan ay ka qayb qaataay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay hogaaminayaan wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaadiidka Cabdiraxmaan Dheere iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yusuf Al-cadaala ayna wehliyaan saraakiil kale.