• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, May 24, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Musharax Axmed Macllim Fiqi waa Mas’uul u qalma Madaxtinimada Dowlad-gobaleedka Galmudug

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 28, 2015
in Warar
Reading Time: 7 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Ambassador Axmed Macallim Fiqi oo ah Rug Caddaa Siyaasadeed oo in muddo ah ku soo guda-jiray Siyaasadda Somalia ayaa u muuqda Musharaxa ku guuleysan doona Doorashadda Madaxtinimadda ee Maamul-gobaleedka Galmudug  eeloo codeeyn doono maalinta Sabtida ee soo socota kuna beegan bisha July 4-da.

Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi oo Xilal Qaran soo qabtay, isagoo gaaray heer Ambassador iyo Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa waxa uu bishii December 20-dii ee sannadkii hore shaaca ka qaaday inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug.

Ambassador Axmed Macallim Fiqi waxaa lagu xusuustaa isagoo dhisay Hay’adda Nabadsugidda Qaranka tayo ahaan  iyo tiro ahaan iyo sidii uu kaalinta uga qaatay qorshihii Dagaalamayaasha Alshabaab looga saaray  Goballadda Banaadir, Sh/hoose, Sh/dhexe, Gedo, Bay iyo Bakool.

Ambassador Axmed Macallim Fiqi waxa kaloo lagu xusuustaa Codkarnimadda uu ka muujiyey Dooddii Musharixiinta ee bishan June 23-dii  ku dhex martay Hoolka  Madaxtooyadda ee Degmadda Cadaado.

Doodaas oo uu Telefishinka Qaranka ee SNTV u qabtay Musharixiinta xilka Madaxtinimadda ee Galmudug, waxa uu Musharax Axmed Macallim Fiqi ka wada jawaabay dhamaan su’aalihii la weydiiyey, iyadoo ay jawaabihiisa u wada riyaaqeen Bulshadda ku nool Goballadda Dhexe.

Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi waxa uu sheegay haddii uu ku guuleysto Xilkaasi inuu Bulshadda ku nool Goballadda Dhexe ku maamuli doono Caddaalad iyo Nidaam waafaqsan Horumarka iyo Kala Dambaynta sidii horey loogu bartay intii uu Xilalka Qaranka hayey.

Waxa uu hoosta ka xariiqay inuu culayska saari doono Maamul-wanaagga, Nabadaynta iyo in la horumariyo nolosha dhaqan-dhaqaale ee Bulshadda iyo in la ballaariyo Adeegyadda Waxbarashadda iyo Caafimaadka.

Dhinaca kale, Musharixiintii kale ee ka qeyb galay Doodda Musharixiinta u tagaan Xilka Madaxtinimadda Goballadda Dhexe, gaar ahaan Wasiirkii hore ee iska casilay xilkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Dowladda Federalka,  C/kariim Xuseen Guuleed ma bixinin jawaab ay ku qancaan Bulshadda Goballadda Dhexe.

Waxa Musharaxaasi lagu eedeeyaa inuu horey ugu fashilmay Xilkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, isla markaana aan haatan lagu aamini karin xilka Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Galmudug ee uu isku soo sharxay.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi haatan yahay Mas’uulka la hadal-hayo inuu ku guuleysan doono Hoggaaminta Dowlad-gobaleedka Curdanka ah ee Goballadda Dhexe oo haatan lagu yegleelayo magaalladda Cadaado oo Caasimad u ah Maamulka Xibin iyo Xeeb.

Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi ayaa haatan ugu cadcad Musharixiinta kale ee hanka ka qabto Xilka Madaxweynaha, iyadoo Musharixiinta kale yihiin kuwo aan Sumcad ka haysanin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, kuna soo fashilmay Xilalkii Qaran ee ay horey u soo qabteen.

Dadka gorfeeya Arrimaha Siyaasadda ayaa rumeysan in halbeegga xilka Madaxtinimadda laga dheehan karo Natiijadda Cod-bixintii shalay ee xilka Guddoomiyaha Barlamaanka cusub ee Galmudug oo uu ku guuleystay Musharax Cali Gacal Casir.

Marka laga amabqaado Nidaamka Codbixintaasi waxaa hubaal ah inay muuqdaan ifafaalo wanaagsan, oo dhabaha u xaarayo inuu Musharaxa Ambassador Axmed Macallim Fiqi codka ugu badan ku helo Doorashadda lagu madalsan yahay bisha soo socota ee July 4-da.

Haddaba, markaynu falaanqeyn guud ku samayno Musharixiinta kale ee u taagan  xilka Madaxtinimadda Galmudug waxaa la soo qaadan karaa Musharax C/kariim Xuseen Guuleed oo la sheego inuu taageero ka haysto, kuna xiran yahay Aqalka Madaxtooyadda ee Villa Somalia.

Waa hubaal inuusan Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi ahayn Musharax la wato, waxaana taasi laga dheehan karaa Kalsoonidda uu ku dhex leeyahay guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Beelaha kuwa ku wada nool Goballadda Dhexe oo iyagu qirsan inuu Ambassador Axmed Macallim Fiqi yahay Halyeey iyo Waddani khibrad u leh Maamulka iyo Maareynta Dowladmimo.

Qiimeyn lagu sahminayo Kala horreynta Musharixiinta Madaxtinimadda Galmudug, ayaa waxay muujinaysaa inuu Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi ku horreeyo Sahanka cod-bixinta ee la dhex dhigay Aqoonyahannadda, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka ku sugan magaalladda Cadaado.

Musharax C/kariim Xuseen Guuleed iyo kuwa kale ayaa rajo kooban ka leh Xilka Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug, waxaana taasi laga dheehan karaa heerka hoose ee Firfircoonidooda Siyaasadeed iyo galaangalkooda ku aadan Arrimaha Bulshadda.

Markaynu doc kasta ka eegno Doorashadda Madaxtinimadda ee Dowlad-gobaleedka Galmudug waxaa aad loo hadal hayaa in uu Musharax Ambassador Axmed Macallim Fiqi yahay Madaxweynaha cusub ee loo dooran doono Dowlad-gobaleedka curdanka ee Galmudug.

fifi 8 fifi 13 fiqi 1 fiqi 3 fiqi 6 fiqi 6_1 fiqi 11 fiqi 14 fiqi 88888

© Warqabadka Radio Dalsan

Previous Post

Somali and AU retake Lego from Al Shabaab

Next Post

Somali President reiterates commitment of election in 2016

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho
Warar

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

May 21, 2025
Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho
Warar

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Ballaarisay Adeegyada Baasaboorka ee Muqdisho

May 20, 2025
Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Warar

Dagaal Culus oo Ka Socda Howdka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

May 20, 2025
Next Post

Somali President reiterates commitment of election in 2016

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Labada Dal Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada...

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee...

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

by Ilhaan
May 22, 2025
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta marti gelin doonta qaar kamid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka, kuwaasoo horey u...

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

by Liban
May 22, 2025
0

ANKARA – Somalia and Turkey have officially launched a new media cooperation initiative as a high-level delegation from the Federal...

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
Warar

Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
Warar

Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara
English News

Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Al-Shabaab Hit Hard: Somali Forces Unearth Massive Arms Stash
English News

Al-Shabaab Hit Hard: Somali Forces Unearth Massive Arms Stash

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia’s Political Heavyweights Descend on Mogadishu as Opposition Mobilizes Against President Hassan Sheikh
English News

Somalia’s Political Heavyweights Descend on Mogadishu as Opposition Mobilizes Against President Hassan Sheikh

May 22, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Ra’iisul Wasaare Xamsa iyo Safiirka Sacuudiga oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Iskaashiga Labada Dal
  • Maxay ka wadahadleen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?
  • Mucaaradkii Ugu Badnaa oo Kusoo Wajahan Muqdisho iyo Kulamo Ka Dhan ah MW Xasan Sheekh oo Bilaabanaya
  • Somalia and Turkey Strengthen Media Cooperation with High-Level Delegation Visit to Ankara

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00