Guddiga Xildhibaanadda oo loo xil-saaray Doorashadda Guddoonka Barlamaanka Federalka ayaa maanta Kulankoodii 2-aad ku yeeshay Xarunta Barlamaanka ee magaalladda Muqdisho, waxayna isla gorfeeyeen Xilliga la qaban doono Doorashadda Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenadda Golaha Shacbiga Qaranka.
Kulankaasi waxaa lagu magacaabay Guddoomiyaha Guddiga Qabanqabadda Doorashadaasi, kuwaasi oo kala ah:-
- Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa loo doortay Guddoomiyaha Guddigaas.
- Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa loo doortay Ku-xigeenka Guddoomiyaha Guddigaasi.
- Xildhibaan Aadan Isaaq Cali oo loo doortay Xoghayaha Guddigaasi.
Dhinaca kale, Guddiga Qabanqaabadda Doorashaddaasi waxay isla garteen in:
1- Xilliga Diiwaan-gelinta Murashixiinta Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ku-xigeenadiisa waxay bilaabanaysaa berrito oo ay taariikhdu tahay 3-da bishan Janaayo ilaa bishan 5-da.
2- Khudbadaha Murashixiintaasi iyo Ku-xigeenadooda waxaa la dhegeysan doonaa bishan Janaayo 8-da ilaa 9-da.
3- Guddoomiyaha Barlamaanka waxay dhici doontaa bishan Janaayo 11-da, halka G/Xigeenadda 1-aad iyo 2-aad dhici doonto bishan Janaayo 12-da.
Shalay ayey ahayd, markii ay Xildhibaanadda Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka iska dhex doorteen Guddi ka kooban 15-xubnood oo loo xil-saaray Qabanqaabadda Doorashadda Guddoonka Sare ee Barlamaanka Cusub.