Xoghayaha Fulinta ee Urur-gobaleedka IGAD, Maxbuub Macallim ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan inay Maleeshiyadda Kooxda Islaamiga ee Ahlu Sunna Wal-jameeca ku biiraan Ciiddanka Ammaanka ee DFS, wuxuuna sheegay inay tallaabo wanaagsan tahay Mideynta Ciiddanka.
Waxa uu intaasi ku daray in Isku-dhafka Ciiddanka ay Tallaabo muhiim ah u tahay dhamaystirka qorshaha Kala-guurka iyo Dhismaha Ciiddanka Qaranka.
Xoghayaha Fulinta ee IGAD waxa uu bogaadiyey DFS, Maamulka Galmudug, Ahlu-sunna iyo dadka ku nool Galmudug dadaalka ay ugu jiraan Midnimadda, Deganaanshaha iyo Barwaaqaynta Galmudug.
Maxbuub Mcaallim waxa uu mar kale xaqiijiyey inay IGAD taageeri doonaan Wada-xaajoodka Siyaasadda ee socda iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad-gobaleedka Galmudug, wuxuuna ku booriyey dhamaan qeybaha ku hawlan Xaalladda Glamudug inay sii wadaan Wada-xaajoodka, Mas’uuliyad wadareedka si loogu guuleysto dadaalka Nabadda iyo dib-u-heshiisiinta , si ay dadweynaha Soomaalida uga macaashaan.
Hadalka Ururka IGAD ayaa soo baxay, kadib, markii ay DFS bilowday in Ciiddanka Ahlu Sunna Wal-jameeca ka mid noqdaan Ciiddanka Ammaanka ee DFS.
Si kastaba ha ahaatee, Ahlu-sunna Wal-jameeca waxay bishii December ee sannadkii 2017-kii heshiis Awood-qeybsi ah la galeen Maamul-gobaleedka IGAD.