Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Caasimadda kaas oo lagu qabtay Xarunta guud ee qeybta Booliska Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa uu sheegay in Shirka amniga lagu soo bandhigay in qabtay rag hubeysan oo howlgeli jiray degmooyinka Wadajir, Hodan, Dharkeenley.
Sidoo kale inta uu socday Shirka amniga ayaa lagu soo bandhigay in la qatay Askari fakad ahaa oo Guri Siyaasi la yaqaano gabaad ugu jiray, iyo Is-la-Xisaabtanka Amniga.
Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Saalaxย Xasanย Cumar Saalax dheere iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.