Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay yeelanayaan kulankooda 24-aad ee kalfadhiga 5-aad,kaasi oo saacadaha soo socda ka furmi doona Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 8-ka Bisha July 2019,ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3-aad ee Wax ka Badalka Sharciga Saxaafadda.
Xili horey ayaa lagu wargeliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka in uu jiro kulan,isla markaana laga doonayo inay ka sopo qeyb galayaan kulankaas si aysan u dhicin in uu baaqdo kulanka.
Maalintii sabtida aheyd ee la soo dhaafay ayaa kulankii ay yeesheen Xildhibaanada waxaa Akhrinta 1-aad lagu marsiiyay wax ka Bedelka Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dawlada iyo Warbixinta Baarlamaanka Carabta.