Madaxweynaha Dowladda Federalka ee uu xilli hawleedkiisu dhamaaday, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo cusbooneysiiyey baaqiisa ku aadan Taabagelinta Qoondada Haweenka ku leeyihiin Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Waxa uu si gaar ah ugu baaqay Madaxda Odayaasha Dhaqyadda Doorashooyinka inay xaqiijiyaan doorka Qoontada haweenka ee lagu heshiiyey ee ah (30%).
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay inta badan Hoggaamiyayaasha Dhaqanka Beelaha ee wax ka soo dhisay Dowladda Federalka saluugsan yihiin sida uu Madaxweynaha shaqsi ahaan uga gaabiyey inuu dhankiisa ka hirgeliyo Qoondadaasi.
Suldaan Maxamed Cabdi Shiddo oo ka mid ah 135-ta Oday, ahna Guddoonka Guddiga sare ee dhaqnaka Beesha Waceysle oo haatan ku sugan Caasimadda Dowlad-gobaleedka Galmudug ee Cadaado ayaa horey uga hor-yimid qorshe laga wado Madaxtooyada Soomaaliya iyo tan Galmudug, kaasoo ku aadan in qoondada haweenka ee kuraasta aqalka Hoose loo weeciyo beel aan aheyn beel markii hore lagu heshiiyay.
Warqad Suldaanka soo saaray bishan November 12-dii ayuu kaga hadlay saddex kursi ee Waceysle ka heshay aqalka Hoose ay tahay in mid ka mid ah Haween la siiyo, gaar ahaan Jufada Cali Gaaf ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka soo jeedo.
Tallaabadda meel-marinta Qoondada Haweenka ee Beesha Madaxweynaha ayaan la hirgeelinin, iyadoo Gabadhii u sharaxnayd Kursigaasi oo lagu magacaabo Fowsiya Xasan Abuukar laga duudsiiyey Kursiga ay xaqa u lahayd inay u tartanto.
Madaxtooyadda ayaana awood Dhaqaale iyo mid Maamul ku bixisay sidii Kursiga ay Musharax Fowsiya Xasan Abuukar ku tartami lahayd looga fara maroojin lahaa, iyadoo Kursigaasi ugu dambeyntii la sheegay inuu ku guuleystay Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh adeer u yahay.
Dad badan ayaana isweydiinaya waxa uu Madaxweynaha uga meel-marin waayey Jufadiisa Cali Gaaf qoondada Haweenka ee ay saamiga u heleen, waxaana muuqata inuu Madaxweynaha ka meermeeray inuu jufadiisa tusaale uga dhigo meel-marinta Qoondada Haweenka ku leeyihiin Barlamaanka soo socda.
©Radio Dalsan