Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heerka Federalka oo booqasho hawleed ku jooga Cadaado.

Gudoomiyaha Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Avvocate Cumar Maxamed Cabdulle  ayaa maanta booqasho hawleed ku tegay Caasimadda KMG ee Maamulka Gobaleedka Galmudug ee Cadaado.

Guddoomiyaha oo la filayo inuu booqasho 2 maalmood ku joogo Cadaado ayaa waxa uu Madaxda Galmudug iyo Guddiga Doorashadda Heerka Gobal kala hadlayaa Habsami-socodka Doorashooyinka, xalinta  cabashooyinka Ergooyinka Beelaha iyo sidii loo dhamaystiri lahaa Doorashadda xubnaha ka mid noqonayo  Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.

Booqashadda uu Gudoomiyaha Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Avvocate Cumar Maxamed Cabdulle  ku joogo Cadaado ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia sheegtay inuu musuq badan hareeyey Doorashaddii ka dhacday Galmudug.

Sidoo kale, waxay cabasho ka jirtaa inaan Haweenka la wada siinin Qoondada 30% ee ay ku leeyihiin xubnaha Galmudug ee Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socota.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor