Madaxda Dowladaha Somalia, Djibouti, Sudan, Kenya, Uganda, Ethiopia, Eritrea iyo South Sudan ayaa la filayaa inay bisha soo socota ee March 25-da Kulan ku yeeshaan Casaimadda dalka Kenya ee Nairobi, oo ay kaga hadli doono sidii xal loogu heli lahaa xiisadaha soo wajahay Qaxootiga Soomaalida.
Hadal ka soo baxay Xafiiska Urur-gobaleedka IGAD ayaa lagu shaaciyey inay Madaxda isla dhiraan-dhirin doonaan sidii dib loogu cusbooneysiin lahaa dadaalka lagu doonayo in Xal waara loogu heli lahaa caqabadaha soo wajahayo Qaxootiga Soomaalida
“Shirka Nairobi waxa lagu eegi doonaa Horumarkii ugu dambeeyey ee Heer Qaran, Gobal iyo Caalami ee Taageeradda Wadajirka Caalamka iyo mas’uuliyadad wadaagista dib-u-xoojinta Magangelyadda iyo Badbaadinta gudaha Gobalka ee Kumanaanka Qaxootiga soomaalida ee weli u baahan arrintaasi” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Xoghaynta Urur-gobaleedka IGAD.
Qabsoomidda Shirka Madaxda IGAD ee dabayaaqadda bisha March lagu qaban doono Nairobi ayaa waxaa horey loogu go’aamiyey Shirkii 28-aad ee aan caadiga ahayn ee ay Madaxda Dowladaha IGAD ku yeesheen magaalladda Muqdisho bishii September 13-dii ee sannadkii hore.
Dhinaca kale, Ku-dhawaad 900,000 oo Qaxooti badankooda ah Jiilka 3-aad ayaa ku sugan Mandiqadda.
Kenya waxaa ku sugan 324,000 oo Qaxooti ah,
Jabuuti waxaa ku sugan 39,500 oo qaxooti ah,
Uganda waxaa ku sugan 39,500 oo Qaxooti ah,
Ethiopia waxaa ku sugan 241,000 oo Qaxooti ah iyo
Yemen oo ay ku sugan yihiin 255,000 oo Qaxooti ah.
©Radio Dalsan